Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

34 tahriibeyaal ah oo lagu la’yahay badda Mediterranean-ka

Axad-17-March, 2024 {HMC} Ugu yaraan 34 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay 2 kalana waa ay dhinteen, kadib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay dalka Tunisia, xilli ay doonayeen in ay uga sii gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dhanka Talyaaniga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Tunisia.

Doontan oo kasoo shiraactay xeebaha Liibiya ayaa siday 70 qof, waxaana 34 qof laga soo badbaadiyay magaalada Zarzis ee koonfurta dalkaasi.

Todobaadkan, ciidamada ilaalada xeebaha Tunisia ayaa sidoo kale soo saaray meydka shan muhaajiriin ah.

Iyada oo cimiladu ay soo hagaagaysay toddobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa kordhay qulqulka muhaajiriin Afrikaan ah oo ay ku jiraan kuwa u dhashay Tunisa, kuwaas oo la socda doonyaha ku sii jeeda Talyaaniga.

Ugu yaraan 1,313 muhaajiriin ah oo ah tiradii ugu baneyd hal sano ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen ama lagu waayay xeebaha Tunisia sanadkii hore, sida ay sheegtay hay’ad xuquuqda aadanaha u dooda bishii hore, taasoo muujineysa dhibaatada soogalootiga ee aan dhammaadka lahayn ee ka jirta dalka ku yaal waqooyiga Afrika.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA