Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

RW Xamsa oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka,

Axad-17-March, 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,

ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

{DAAWO MUUQAALKA} Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Halkii lagu jebiyay Soomaaliland ee Gooja_cadde oo xus maanta lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/g7a5yA-mrVw

WARARKA