Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Robinho oo lagu xiray dalka Brazil

Jimco-22- March-2024 {HMC} Laacibki hore ee xulka kubadda cagta Brazil, Robinho ayaa Khamiistii shalay aheyd la xiray, si uu u billaabo 9 sano oo xabsi ah oo lagu xakumay, kaddib marki lagu helay inuu galay danbi kufsi ah.

Robinho oo 40 jir ah ayaa muddo hadda laga joogo in ka badan 10 sano lagu eedeeyay inuu gabadh ku kufsaday dalka Talyaaniga, xilligaas oo uu u ciyaarayay kooxda kubadda cagta AC Milan.

Eedaha loo soo jeediyay iyo danbiga lagu helay intaba waa uu dafiray Robinho.

Xalay fiidkii ayaa laga xiray guri uu ku leeyahay magaalada Santos ee dalka brazil, kaddib marki uu lumiyay racfaan uu ka qaatay xukunka maxkamadda sare. Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa Arbacadi ayyiday xukun ay horay maxkamad ku taallo Talyaaniga ugu ridday laacibkaan.

Robinho oo ka ciyaari jiray weerarka, ayaa horay ugu soo dheelay kooxaha kubadda cagta, Real Madrid, Manchester City iyo AC Milan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA