Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Putin oo si kulul uga hadlay Weerarkii Moskow

Sabti-23- March-2024 {HMC}  Afar qof oo ku lug lahaa weerarkii hoolka riwaayadaha ee Moscow ayaa ka mid ah 11 maxbuus oo loo xiray weerarkaas, sida uu madaxa amniga FSB u sheegay Madaxweyne Vladimir Putin, wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa ku waramaya.

Tirada dhimashada weerarkii hoolka Crocus Concert ayaa hadda gaartay 133, sida ay sheegeen guddiga baaritaanka Ruushka.

Iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay wadaan nadiifinta burburka goobta, waxay sii wadaan inay helaan meydad badan, guddiga ayaa sidaasi ku sheegay qoraal ay ku daabaceen Apka fariimaha eeTelegram.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku tilmaamay weerarka lagu qaaday hoolka uu ka socoday bandhig faneedka fal argagixiso oo waxashnimo ah. “Cadawgayaga nama qaybin doono,” ayuu sidoo kale yiri.

Isagoo khudbad ka jeediyay taleefishinka qaranka, Putin wuxuu mahadceliyay dhakhaatiirta iyo saraakiisha ammaanka ee caawiyay dhibanayaasha weerarkii Moscow.

Weerarkaan oo lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ruushka tan iyo sannadki 2004-tii, ayay dableyda weerarka geysatay si aan kala sooc laheyn rasaas ugu furtay dadki ku sugnaa hoolka ruwaayadaha ee degmada Crocus oo inyar dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Moscow.

Muuqaallo goobta laga soo duubay ayaa muujiyay dad ku gabanaya kuraasta taallay hoolka, iyo rag hubeysan oo rasaas furaya, dad isku dayaya in ay ka baxaan albaabada howlka iyo kuwo aanan dhaqaaq laheyn oo dhex jiifa dhiigga. Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Kooxda Daacish.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA