Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Yaa guuleysan doona City iyo Arsenal kulanka Axadda ?

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Kulanka Axadda ee horyaalka Ingiriiska ee toddobaadkan ayaa ah kan kala go’aamin doona cidda koobka qaadeysa sanadkan.

Dhowr ciyaarood ayaa haray xili ciyaareedkan. Faraqa u dhexeeya naadiga ugu sareeya iyo kan ugu hoseeya horyaalka waa hal dhibic.

Naadiga horyaalka ugu sareeya ee Arsenal iyo Manchester City ayaa is arkaya.

Chris Sutton oo ka oo BBC uga faalooda ciyaaraha ayaa sheegay in kulanka uu astaan u yahay halka koobka uu aadi doono.

“Hadda kulan kasta muhiim ayuu inoo yahay hadii aan ka adkaano Arsenal, kulanka ka sii dambeeya xitaa muhiim ayuu inoo yahay” ayuu yiri maamulaha Manchester City Pep Guardiola

Dhinaca kale maamulaha Arsenal Arteta waxa uu isagana diiradda saari doonaa ciyaarta Axadda taas oo si gaar ah isaga muhuum ugu ah.

“Si buuxda ayaan u aaminsanahay ciyaartoydeyda, garoonka ayey ciyaarta taal balse bannaanka waa hadal un” ayuu yiri Mikel Arteta.

Labada naadi guusha ciyaartan waxay ugu fadhidaa qiimo weyn.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA