Saturday, April 20, 2024
spot_imgspot_img

Yaa guuleysan doona City iyo Arsenal kulanka Axadda?

Jimco-29-March-2024 {HMC} Kulanka Axadda ee horyaalka Ingiriiska ee toddobaadkan ayaa ah kan kala go’aamin doona cidda koobka qaadeysa sanadkan.

Dhowr ciyaarood ayaa haray xili ciyaareedkan. Faraqa u dhexeeya naadiga ugu sareeya iyo kan ugu hoseeya horyaalka waa hal dhibic.

Naadiga horyaalka ugu sareeya ee Arsenal iyo Manchester City ayaa is arkaya.

Chris Sutton oo ka faalooda ciyaaraha ayaa sheegay in kulanka uu astaan u yahay halka koobka uu aadi doono.

“Hadda kulan kasta muhiim ayuu inoo yahay hadii aan ka adkaano Arsenal, kulanka ka sii dambeeya xitaa muhiim ayuu inoo yahay” ayuu yiri maamulaha Manchester City Pep Guardiola

Dhinaca kale maamulaha Arsenal Arteta waxa uu isagana diiradda saari doonaa ciyaarta Axadda taas oo si gaar ah isaga muhuum ugu ah.

“Si buuxda ayaan u aaminsanahay ciyaartoydeyda, garoonka ayey ciyaarta taal balse bannaanka waa hadal un” ayuu yiri Mikel Arteta.

Labada naadi guusha ciyaartan waxay ugu fadhidaa qiimo weyn.

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Daadajinta Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho.

Sabti-20-April-2024 {HMC} Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir oo faah-faahin ka bixiyey Shirka Daadajinta Amniga Caasimadda oo Muqdisho lagu qabtay. HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

{DAAWO MUUQAALKA} Masuuliyiin xal u helidda Dagaaladii ka dhacay Diinsoor kala hadlay odayaasha Magaaladaas.

Sabti -20-April-2024 {HMC} Masuuliyiin xal u helidda Dagaaladii ka dhacay Diinsoor kala hadlay odayaasha Magaaladaas. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/yRTV7LTMk-w  

WARARKA