spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Bankiga Itoobiya oo si khaladan looga la baxay Malaayiinta doollar.

Sabti 30-March-2024 {HMC} Dalka Itoobiya waxaa ka socda dadaal uu dib ugu soo ceshanayo bankiga ugu weyn dalkaas lacag si khaldan ay dad ugala baxeen xisaabaadkooda, ka dib markii nidaamka bankiga ee farsamo ahaan kaligiis is maamula uu khalkhal ku yimid, waxayana taasi keentay in la xisaabin waayo caddadka lacagaha lagala baxay akoonnada oo ay dadku la baxeen lacago ka badan intii akoonnada ugu jirtay.

Sida ay qortay wakaaladda wararka AP, bankiga ganacsiga ee Itoobiya wuxuu iminka dib u soo ceshtay in ka badan 80% lacagtii sida khaladka ah kaga luntay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay, taasoo ay keentay cillad farsamo.

Abe Sano oo ah guddoomiyaha bankiga ayaa u sheegay warfidiyeenka in ilaa 14 malyan oo Doollar lagala baxay bankiga ama loo wareejiyey baanan kale muddadii ay cilladaas farsamo jirtay, waxayna taas meesha ka saaraysaa wararka sheegaya in bankiga ay ka luntay 40 Malyan oo doollar.

Wuxuu sheegay in lacagaha sida tooska ah loola baxay ay u dhaxeeyaan 9 senti ilaa iyo 5,350 doollar, kuwaasoo ay la baxeen dad tiradooda lagu qiyaasay 15,000 oo qof oo ka faa’iidaysanaya cilladda farsamo ee nidaamka bankiga muddadii ay socotay shaqada caadiga ah ee mar kasta laga qabto hanaanka bankiga uu ku shaqeeyo.

Ilaa 15,000 oo qof ayaa la sheegay in ay hadda soo celiyeen lacagaha dheeraadka ah ee ay la baxeen, waxaase la sheegayaa inay jiraan 567 qof oo weli aan wax lacag ah soo celin, ayadoo ay dawladdu sheegtay in dhowr iyo labaatan qof loo xiray lacagahaas sida khaldan loola baxay.

Bankiga ayaa shaaciyey magacyada iyo akoonnada dadkaas 567-ka ah, si loo dareensiiyo inay ceeb tahay oo ay lacagta u soo celiyaan.

Guddoomiyaha bankiga wuxuu intaa ku daray in 20%-ka dhiman aysan hadda culays weyn ku hayn.

Dadka ugu badan ee lacagaha la baxay muddadii cilladda ay taagnayn, gaar ahaan 16 Maarso, ayaa u badnaa ardayda jaamacadaha oo kambasyo kala duwan kala baxay.

Maamullada jaamacadaha ayaa ardaydaas weydiistay inay dib u celiyaan lacagtaas aysan lahayn ee ay la baxeen muddadii ay cilladdu jirtay.

Bankiga wuxuu sheegay inuusan wax dambi ah u raacayn dadka dib u soo celiya lacagaha sida khaladka u raacay, deegaanka Soomaalida oo BBC ay la xiriirtayna lagama soo sheegin dad lacagaha noocaas ah la baxay.

Bankiga ganacsiga ee Itoobiya waxaa la aasaasay 82 sano ka hor, waxaana akoonno ku leh 38 malyan oo qof.

Sida laga soo xigtay barta Statista, bankiga ganacsiga ee Itoobiya ayaa ah kan ugu weyn Afrikada bari marka laga hadlayo hantida uu bankigaas leeyahay ilaa 2022. Hantidiisa ayaa lagu qiyaasay ilaa 23 Bilyan oo Doollar.

Maxay yihiin casharrada ay bankiyada Soomaalida ka baran karaan si khaladkaas oo kale looga hortago
Dr Shaafici Shariif Maxamed waa dhaqaaleyahan deggan Muqdisho. Wuxuu ku talinayaa dhowr qodob oo uu u arko inay muhiim u yihiin Bankiyada Soomaalida inay ka bartaan khaladkaas ka dhacay bankiga ganacsiga ee Itoobiya.

”Qodobka ugu muhiimsan waa in aan tiknoloojiyada aan la isku hallayn karin oo daqiiqad kasta uu khalad dhici karo, waana in si joogto ah dib u eegis loogu sameeyaa oo bankiyada ay soo iibsadaan barnaamijyada iyo tiknoloojiyada ugu dambeeysa ee kombiyuutarrada oo aysan dhowr sano hal barnaamij oo laga guuray iska isticmaalin” ayuu yiri, wuxuuna kula taliyey in aysan dib u dhigan oo aysan lacagta ku baxaysa tiknoloojiyadaas dhabiilin.

Wuxuu kaloo ku taliyey in mishiinnada iyo tiknoloojiyada loo baahan yahay inuu jiro qof isha ku haya oo la socda dhaqdhaqaaqyada aan caadiga ahayn haddii uu khalad dhaco, oo aan la fududaysan.

Wuxuu kaloo Dr Shaafici soo qaaday arrin la xiriirta sumcadda bankiga ”Bankiga Itoobiya dadku way ku khasban yihiin, laakin Soomaaliya marka aan ka hadlayno, haddii bankiga ay lacag ku lunto waxaa meesha ka baxaysa sumcaddii loo hayey, dadka ay lacagta u taallana way ka qaadanayanaan, kuwo cusub in ay soo dhigtaanna way ku adkaan doontaa, sideedana banki jiritaankiisa wuxuu ku xiran yahay in lacag la dhigto, lacagna laga qaato”.

Sidoo kale wuxuu bidhaamiyey raadraaca, haddiiba ay dhacdo in lacag si khaldan loola baxo ”Dadku ma wada laha dukumenti sax ah, ama adareesyo si toos ah loogala xiriiro. ”Sidoo kale telefoonnada moobillada ee Soomaaliya waxay u furan yihiin xawaaladaha, waxaana dhici karta in daqiiqado gudahood ay lacagtaas dalka uga baxdo, ayna adkaato sidii loo soo celin lahaa” ayuu yiri Shaafici.

In lala socdo arrimaha aan caadiga ahayn ayuu ku taliyey Dr Shaafici sida safafka dhaadheer ee loo galo mishiinnada lacagaha baxo (ATM).

WARARKA

Yaa gacanta ku haya Suuriya?