Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Muxuu yahay garoonka kulmiyay geerida iyo kubadda cagta ee Muqdisho ku yaal?

Axad 31-March-2024 {HMC} Meel ku taalla dhanka xeebta ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaa laga taagay lix tiir oo alwaaxa oo shub ku mudan kuwaas oo laga dhex taagay ciid cad oo saafi ah, mowjadaha buluuga ee ka soo jabaya badweynta Hindiya ayaa si tartiib ugu soo jaba bar dhammaad u dhow, laakiin waxay inta badan marag ka yihiin dhacdooyin xun xun.

Digniin: Maqaalkani waxaa ku jira sharraxaad laga yaabo in dadka qaarkiis ay ka xumaadaan ama dhibsadaan.

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa halkan markasta keena rag la tooganayo, kuwaas oo gacmaha looga xiray xargaha caagagga ah, madaxana loo galiyey wax madow dabadeedna waxaa lagu fuliyaa toogasho.

Kooxda fulinaysa toogashada oo ah kuwo si gaara u tababaran ayaa inta badan la qariyaa wajiyadooda

Marka dadka ay toogtaan, kuwa la toogtay waxaa soo lulma madaxyadooda, laakiin inta kale ee jirkooda ayaa toosan maaddaama lagu xirxiray tiirarka.

Inta badan dadka halkan lagu toogto waxaa xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ragga la toogtana waxay u badan yihiin kuwo ka tirsan kooxda al-Shabaab oo muddo ku dhow labaatan sano dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya, isla markaana ka taliya qaar ka mida gobollada Soomaaliya.

Kuwo kale waa askar lagu helay dambi ah inay dileen dad rayid ah ama saaxiibbo kala tirsanaa ciidamada. Mararka qaarkood maxkamaddu waxay la tacaamushaa dembiilayaasha caadiga ah ee lagu xukumo dil sababtoo ah dembiyadoodda oo aad u culus.

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu toogtay halkan xeebta u dhow sannadkii hore.

Qofkii ugu dambeeyay ee xukun dil ah wajahaya waa Sayid Cali Macallin Daa’uud oo 6-dii Bishan lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii lagu helay in xaaskiisa Luul Cabdicasiis uu gubay ka dib markii sida uu sheegay ay ka dalbatay inuu furo.

Goobtan wax lagu toogto, waxaa ka dambaysa xaafad yar oo ay daggan yihiin ilaa kun qoys oo ku nool guryo burbursan iyo kuwo cooshado ka samaysan, waxayna halkan ka tirsan tahay dugsigii hore ee tababarka booliska ee degmada Xamar Jajab.

“Isla markii shantayda wiil ee yaryari ay dugsiga ka yimaaddaan, waxay u yaacaan xeebta si ay u ordaan ama kubbadda ugu ciyaaraan,” ayay tiri Fartuun Maxamed Ismaaciil, oo ka mid ah dadka deggan xeebta deegaanka xaruntii hore ee tababarka booliiska.

“Waxaan ka walwalsanahay caafimaadka carruurtayda sababtoo ah waxay ku ciyaaraan dhiigga daadanaya ee dadka lagu toogtay, meesha lama nadiifin markii dil lagu fuliyo.” ayey intaas raacisay.

Hadda iyada iyo waaliddiinta kale waxay dareemayaan in ku ciyaarista dhiigga dembiilayaasha la xukumay ay aad u badan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, way adag tahay in laga joojiyo carruurta inay ku biiraan asxaabtooda xeebta maaddaama inta badan waaliddiintu ay isku dayayaan inay si wadajir ah ugu raadiyaan nolol-maalmeedkooda.

Inta badan dilku waxa uu dhacaa aroortii hore, inta u dhaxaysa lixda ilaa toddobada subaxnimo xilliga magaalada Muqdish.

Keliya saxafiyiinta ayaa lagu martiqaadaa inay goob joog ka noqdaan dilka, laakiin cidina kama diidayso dadka deegaanka, oo ay ku jiraan caruur, inay isku soo baxaan oo ay daawadaan.

Deegaankan waxaa in wax lagu toogto ay soo bilaabaty sanadkii 1975-kii markii dalka ay ka talinaysay dowladdi kacaanka ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dawladdiisii milatariga ahayd waxay tiirar ka taagnaa halkan ay ku toogatay culimadii ka dib markii ay ka hor yimadeen xeerkii qoyska ee dowladdii militarigu xilligaas ku dhawaqday. Laakiin maanta boos ama sees yar ayaa sii haray.

Si kastaba ha ahaatee waaliddiinta ayaa ka walwalsan in carruurta ku ciyaara goobta xukunka ay halis ugu jiraan in waxyeelo soo gaadho marka la fulinayo toogashooyinka.

Waxay sheegeen in carruurtooda ay aad uga argagaxaan booliiska iyo askarta, sababtoo ah waxay kaliya arkaan iyagoo dad ku tooganaya goobtan.

“Waxaan ku dhibtoodaa inaan seexdo habeenkii, waxaana dareemaa walwal xooggan mar walba,” ayay tiri Faadumo Cabdillaahi Qaasim, oo daggan meel wax yar u jirta goobta dilku ka dhaco.

“Mararka qaar waxaan maqlaa rasaas subaxii oo aan ogahay in qof la dilay,” ayay tiri.

“Waxaan isku dayaa inaan carruurteyda ku sii hayo guriga mar walba, waan murugeysanahay, waan necbahay inaan dibadda u baxo oo aan arko dhiig ku qulqulaya ciidda agteyda ah,” ayey intaas ku dartay Faadumo.

 

Dadka ku nool agagaarka xaafadaha u dhow goobta dilka lagu fuliyo ayey suuragal tahay inay dhibaato ka soo gaarto, balse waxaa laga yaabaa in Soomaali badan ay soo dhaweeyaan xukunnada dilka ee lagu fuliyo xubno ka tirsan al-Shabaab.

Faadumo Qaasim, waa wax aan caadi ahayn inay ka soo horjeesato arrintaas, maaddaama wiilkeedii oo 17 sano jir ahaa, oo nadiifiye ka ahaa baar cuntada fudud lagu iibiyo uu ku dhintay qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho bishii October sanadkii 2022-kii, in ka badan 120 qof oo kalane ay ku dhaawacmeen kaas oo lagu eedeeyey al-Shabaab.

“Ma garanayo shakhsi ahaan dadka la dilayo, laakiin waxaan aaminsanahay in dhaqanku yahay mid bini’aadantinimada ka baxsan,” ayay tiri.

Ma aha oo kaliya carruurta ka soo jeeda xaafadda xeebta inay ku ciyaaraan ciidda u dhow xarumaha xukunka laakiin sidoo kale dhalinyaro ka kala timid xaafadaha kale ee magaalada ayaa isugu yimaada halkaasi, gaar ahaan maalmaha Jimcaha, oo ah maalin fasax ah.

Dadka halkan yimaada waxaa ka mid ah Cabdiraxmaan Aadam oo 16 jir ah, wuxuu sheegay in isaga iyo walaalkiisa ay halkan yimaadan Jimce kasta si ay ugu dabaashaan ama ku bad ugu ciyaaraaan xeebta.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale walaashii ay halkan timaado iyadoo si quruxsan ugu labisan dhar ay soo xulatay si sawiro uga qaadan goobtan.

Isaga iyo dadka kale ee yimaada xeebtan waxay ogyihiin in halkan tahay goob dadka lagu toogto iyo qabuuro lagu aaso basle quruxda xeebta ayaa iyaga uga muhiimsan.

“Ardayda aanu isku fasalka nahay way ka masayraan markay arkaan sawirrada, ma garanayaan inaan ku wada galnay goob dil.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.

XIGASHO BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA