Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Beesha caalamka oo soo dhoweysay Waxka badalka dastuurka Soomaaliya.

Isniin 1, April 2024 {HMC} Beesha caalamka ayaa bogaadisay soona dhoweysay dib u eegista dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, iyagoo ku ammaanay dowladda Soomaaliya inay qaadday tallaabo muhiim ah.

Beesha caalamka waxay sheegtay in dowladdu ay xaqiijisay waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta.

“Waxaan rajeyneynaa iskaashi mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah,” ayaa lagu yiri warka ay soo saareen beesha caalamka.

Beesha caalanka waxay ku boorisay dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

Hadalka beesha caalamka ayaa yimid, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu caawa saxiixay nuqulka rasmiga ah ee wax ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS, oo ay shalay cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wax ka beddelka cusub ee lagu sameeyay dastuurka ayaanan weli taageero iyo soo dhowayn ka helin dowlad goboleedka Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan markii hore qeyb ka ahaa heshiiska qodobada wax laga beddelayo dastuurka Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA