Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka NISA oo soo bandhigay xubno katirsan A S.

Isniin 1, April 2024 {HMC} Ciidanka hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed kusoo bandhigay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Hay’adda NISA ayaana soo bandhigtay 10-xubnood oo katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab u qaabilsanaa dhinaca jabhada iyo xisbada, waxa ayna raggan siyaabo kala duwan isugu soo dhiibeen ciidanka NISA.

Qaar kamid ah dhallinyarada Al Shabaab kasoo goosatay ayaa sheegay in ay u adkeesan waayeen dhibaatooyin ay sheegeen in kooxda ka dhax jirto, waxa ayna ugu baaqeen dhallinyarada kale ee Al Shabaab kamid ah in ay kasoo tagaan kooxdaasi.

Dowladda ayaa marar badan soo bandhigtay xubno la sheegay in ay kasoo goosteen kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la geeyay goobo dhaqan-celin ah oo lagu xareeyo dagaallamayaasha kasoo goosta Al Shabaab.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA