Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shilka Gaari oo Siweyn Looga Carooday oo ka dhacay Magaalada Berbera

Isniin 1, April 2024 {HMC}  Taliska Ciidanka Booliska ee Jamhuuridda iskeed madaxbannaanida ugu dhwaaqaday ee Somaliland ayaa sheegay “in ay ku guulaysteen qabashada eedaysane Maxamed Farxaan Jamaac oo Magaalada Berbera ku jiidhay Wiil yar oo 9 jir ah Habeen hore”.

Ninkan oo markii hore ay boolisku sheegeen n uu baxsaday ayey gacanta ku soo dhigeen boolisku isaga iyo gaadhigiisiiba.

“Hawlgal iyo dedaal dheeriya oo Ciidanka Boolisku sameeyay ayaa eedaysanaha lagu soo qabtay , waxaana degdeg loo horgayn doonaa sharciga marka baadhistu dhammaato” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo boolisku soo dhigay bartooda baraha bulshada.

Wiilka yar ee gaadhigu jiidhay oo lagu magacaabo Maxamed Cabdikariin, ayaa dhiganayay fasalka saddexaad ee dugsiga hoose, sida uu BBC u sheegay abtigiis.

“Waxaa waddada kaga xoorantay kubbad uu ciyaarayey taas oo uu ka daba orday kadibna sidaas ayuu kula kulmay shilka” ayuu BBC da u sheegay Jaamac Maxamed Cabdi oo ah abtiga Maxamed. Sidoo kale waa xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee Berbera.

Maxamed waxa uu la dhashay saddex caruur ah oo kale oo uu curad u ahaa, waxaana guriga oo aan goobta shilku ka dhacay sidaas uga fogeyn joogtay hooyadiis Sabaax Maxamed cabdi oo sida uu walaalkeed sheegay aad u naxday markii ay ka war heshay shilka uu ku dhintay wiilkeedu.

“Waa dareemi kartaa xilli ramadaan ah oo ciidna soo dhowdahay ayuu shilkaasi dhacay marka naxdinteeday lahayd hooyadiina guriga ayey hor fadhiday” ayuu yiri xildhibaan Jaamac Maxamed Cabdi oo ka tirsan golaha deegaanka Berbara isla markaana ah abtiga wiilka yar ee dhintay.

Qofka saddexaad ee gaadhiga saarnaa ayuu xildhibaan Jaamac sheegay in uu ahaa Ajnabi aan soomaali ahayn, “inuu carab aha aiyo in uu asiyaan ahaa ma cadeyn karo” ayuu yiri.

Sida uu sheegay xildhibaanku, gawaadhida labada boqol ku dhow ee la isugu keenay saldhigga booliska ayey shacabku keeneen, “dareenka shacabka oo kacay awgii waxaa dhacday in ay dadku iyagu isxilqaamaan oo ay amnigooda qayb ka noqdaan oo ay baabuurtooda soo xareeyaan,” ayuu yiri xildhibaan jaamac.

Xildhibaanka ayaa sheegay in uu aad ugu kalsoonaa nidaamka barista oo ugu dambeyn suurta galiyey in gacanta lagu dhigo gaadhigii dilka geystay oo ka mid noqday kuwa lasoo qabtay.

“Waqtigii ay noo ballan qaadeenna warbixin dhameystiran iyo eedaysaneyaashii ayey ku keeneen[boolisku]” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jaamac isuga oo manaayay booliska magaalada Berbera.

Booliska iyo inta badan dadweynaha ayaa ku dhaliilay in eedaysaneyaashu aysan ku war gelin booliska maadaama uu shilku yahay wax dhaca oo aysan ula kac u samayn taas oo dadku ay ku tilmaameen in ay tahay masuuliyad saaran cidda ku lugta leh shilka.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Somaliland, Cali Cabdi Cabdilaahi oo saxaafadda la hadlay ka hor inta aan lasoo qaban eedaysanaha ayaa sheegay in uu soo xareeyay gaadhigiisa oo u ekaa nooca la tilmaamay in uu wiilka jiiidhay.

195 gaadhi oo noocaas ah ayey boolisku soo xareeyeen oo uu ku jiro kii la sheegay in uu wiilka jiidhay oo baadhitaan dambe lagu ogaaday, sida ay sheegeen boolisku.

Eedaysanaha ayey boolisku sheegeen in ay kasoo qabteen magaalada Burco oo uu u baxsaday. Labada qof oo kale ayaa la socday marka uu shilku dhacayey sida ay boolisku sheegeen oo mid ka mid ah uu yahay qofkii lahaa gaadhiga.

Darawalkii iyo milkiilihii ayaa la qabtay waxaana weli lagu jiraa baadigoobka qofkii saddexaad sida ay boolisku sheegeen.

Waxa uu boolisku sheegay in uu jiro nin kale oo maskax ahaan xanuunsannaa oo uu isagana gaadhi ku jiidhay magaalada Berbara kaas oo aan weli la helin ehalladiisii iyo ciddii jiidhay midna.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA