Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh oo Dalacsiiyay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan Magalada Xarardheere

Isniin 1, April 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dardar galinaya howlgallada dib u xoreynta dalka ayaa gaaray Degmooyinka Xaradheere iyo Ceeldheer ee Galmudug, si uu u dardar-galiyo Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada difaaca shacabka ee Khawaarijta kula dagaallamaya deegaanno hoos yimaada degmooyinkaas.

Madaxweynaha oo ku bogaadiyey geesiyaasha dib u xoreynta dalka nafhurimada ay kaga difaacayaan dadkooda iyo dhulkooda sharwadeyaasha caadeystay daadinta dhiigga shacabka iyo burburinta hantida ummaadda Soomaaliyeed ayaa hal darajo dallacsiiyay dhammaan saraakiisha iyo ciidamada Qaranka ee ku faro adeygay gacan ku haynta degmada Xarardheereoo, isaga oo xusay in halganka dalka looga xoreynayno khawaarijta uu heer gabogabo ah marayo, taariikhduna ay xusi doonta halyeeyada ku shahiiday dagaalka iyo kuwa u taagan dabargoynta argagixisada.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida waxaad muujiseen nafhurnimo waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka degmada Ceeldheer, Ciidamada Xoogga Dalka iyo Ciidamada difaaca shacabka ayaa ku adkeeyey in ay labo laabaan dadaaalkooda si uu u guuleysto halganka ay ku jiraan guud ahaan umada Soomaliyeed ee dalka looga sofeynayo argagixisada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA