Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Xoogga dalka oo fashiliyay weeraro qaraxyo ah ay Abaabulayen kooxda AS

Talaado 2, April 2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo ay maanta si wadajir ah u qaadeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday AS.

Howlgalladan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Guutada 19-aad ee Gumac iyo ciidanka Macawiisleyda oo isku fidiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fashiliyeen weeraro qaraxyo ah oo ay soo maleegeen dagaalyahanada kooxda AS oo iyana ku sugan halkaasi.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay soo saareen miinooyin ay kooxda ku aastay deegaanada Daaru nimca iyo Burka Fiiqey ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in ujeedka u ahaa in qaraxyadaas lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanada ay ka socdaan howlgallada.

“Ciidanka ayaa dhulka howdka ah ka saaray miinooyin ay khawaariijtu damacsanaayeen in ay ku dhakraan Shacabka ku dhaqan deegaanada ay ciidanku howlgalka ka sameeyeen” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli goobaha howlgallada laga fuliyay ku sugan ciidamada huwanta oo sii baacsanaya kooxda AS.

Dhowaan ayay ahayd markii ay kooxdu weerar toos ah ku qaaday Daaru-Nimca, kaas oo ay muddo kooban kula wareegtay deegaanka, kadibna dib looga saaray.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay dagaalyahanada AS, maadaama wajigii koobaan deegaano dhaca gobolkaasi looga xoreeyay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA