Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

hoggaamiyaha ugu da’da yar qaarada Afrika oo xilka loo dhaariyey.

Talaado 2, April 2024 {HMC} Bassirou Diomaye Faye ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha Senegal, isagoo noqonaya hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee la soo doorto ee waddan Afrika ku yaalla.

Madax ka kala socota qaarada Afrika ayaa ka qeyb galay xaflada caleema saarka oo ka dhacday meel ka baxsan caasimada Dakar.

Bishii la soo dhaafay Mr Faye ayaa ku guuleystay doorashadii dib u dhacday, isagoo helay boqolkiiba konton iyo afar codadkii la dhiibtay, isagoo ka hormaray ninka la tartamayay ee Amadou Ba. Jimcihii, golaha dastuurku wuxuu xaqiijiyay Mr Faye inuu yahay ninka ku guuleystay kursiga.

Waxa uu la kulmi doonaa caqabado badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta dhalinyarada, dhibaatada maciishadda iyo musuq-maasuqa.

Faye ayaa xabsiga laga sii daayay wax ka yar laba toddobaad ka hor codbixinta, iyadoo uu weheliyo la taliye iyo ninka mucaaradka ah ee Ousmane Sonko, ka dib cafis siyaasadeed oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha xilka ka degaya Macky Sall.

Xarigoodu waxa uu dhaliyay mudaaharaadyo bilo ah iyo walaac laga qabo in Sall uu mar saddexaad raadsado xafiiska inkasta oo ay xaddidan tahay muddo xileedka. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegay in daraasiin la dilay ilaa 1,000 kalena xabsiga la dhigay.

Khudbadiisii ugu horeysay ee madaxweyne, Faye waxa uu xasuustay dadkii la dilay iyo kuwii la xiray intii ay socdeen mudaaharaadyada, wuxuuna ballan qaaday in uu gaarsiin doono dalka madax-bannaani ballaaran iyo barwaaqo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA