Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Muwaadiniinta Itoobiya oo Laga soo daadgureyneysa Dalka Sacuudiga

Talaado 2, April 2024 {HMC} Itoobiya ayaa tobannaan kun oo muwaadiniinteeda daruufeysan ah ka soo celineysa dalka boortooyada Sacuudi careebiya.

Go’aankan oo Addis Ababa looga dhawaaqay todobaadkii hore ayaa la qorsheeyey in uu billowdo horraanta Bishan April, waxaana lagu wadaa mahaajiriin gaaraya 70,000 reer Itoobiyaha dalkooda lagu guryoceliyo.

Wasiiro Dowlaha Arrimaha Dibedda itoobiya, Birtukan Ayano ayaa sheegtay in hawlgalkan laguu soo daadgureynayo muwaadiniinta go’doonsan uu yahay kii 3-aad ee la fuliyo tan iyo 2018, iyadoo intaas ku dartay in mudnaanta la siinayo dadka tabaaleysan ee u baahan gurmad degdeg ah.

Inkasta oo dowladda Itoobiya aysan weli shaacin kharashka dhabta ah ee barnaamijkan ku kacayo, haddana Wasiir Birtukan waxay sheegtay in dadkaas loo diyaarinsayo wixii tas-hiilaad ah ee ay u baahan yhiin, sida saad, hooy iyo IWM.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA