Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

RW Soomaaliya oo Luqad Adag Kula Hadlay Siyaasinta Ka Hor Yimid Wax Ka Badalka Dastuurka.

Talaado 2, April 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si adag ula hadlay siyaasiyiinta kasoo horjeeda ansixinta wax ka beddelka dastuurka oo Sabtidii meel-mar noqday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah, isaggoo ku af-gobaadsaday inay xukuumadda ka go’an tahay dhageysiga ciddii tabasho qabta.

‘Xukuumadda waxaa ka go’an in ay dhageysato ciddii tabasho qabta, balse lama aqbali karo in la is-hortaago go’aamada ay gaaraan hey’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa uu tallaabaddii Sabtidii ku macneeyay mid bilow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meel-mariyey, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.

Mudane Xamza ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina waxa uu soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad afur ah oo loogu mahad-celinayey guddoonka, xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka, oo ayagu ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA