Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa Kuma Ninka Soomaaliga Ah ee uu Abiy Axmed U magacaaba Xilka Muhiimka Ah?

Talaado 2, April 2024 {HMC} Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa si lama filaan ah siyaasi Soomaaliyeed oo kasoo jeeda dowlad deegaanka ugu magacaabay in uu noqdo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Itoobiya.

Abiy Axmed ayaana wareegto uu soo saaray ugu magacaabay kuxigeenkiisa Aadan Faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Federaalka Itoobiya iyo sidoo kale dowlad deegaanka uu kasoo jeedo.

Shir ka dhacay magaalada Adis Ababa oo ay isugu yimaadeen xisbiyada siyaasadeed ee Soomaalida ku jirto ayaa Ra’isul Wasaare Abiy Axmed waxa ay xubnaha Soomaalida weediiyeen sababta aysan Soomaalida uga soo muuqan xilalka sare ee dowladda.

Gabogabada shirka ayaana si lama filaan ah Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilka kuxigeenkiisa ugu magacaabay siyaasiga Aadan Faarax, si uu uga qanciyo Soomaalida ku badan Itoobiya.

Ninkan loo magacaabay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Itoobiya ayaa horey usoo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya sannadkii 2020-kii, waxa uu sidoo kale soo noqday madaxweyne kuxigeenka dowlad deegaanka intii u dhaxaysay 2018-kii ilaa 2020-kii.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA