Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Itoobiya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer wasiir ah oo ka socday Puntland

Arbaco-3- April 2024 {HMC} Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Mesganu Arga, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer wasiir ah oo ka socday dowlad goboleedka Puntland , wafdigaa uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mohammed Farah Mohammed.

Wadahadal ay yeesheen wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo wasiiradda ka socday Puntland ayey uga wada hadleen fursadaha iskaashi ee ganacsiga, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha wadajirka ah si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka labada dhinac.

Wafdiga Puntland ayaa ku nuux-nuux saday xiriirka soo jireenka ah ee walaaltinimo ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, iyagoo qiray taageerada iyo iskaashiga ay Itoobiya la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo waxbarashada.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in dowladda cusub ee Puntland ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya, iyagoo ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku celiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay xiriirka Puntland, wuxuuna caddeeyay in Itoobiya ay diyaar u tahay iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

Safarkan wasiiradda Puntland ku tageen dalka Itoobiya ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Puntland dhawaan shaaciyeen in ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka, waxa ayna tallaabadan Puntland qaaday u muuqataa mid wiiqeysa qarannimada Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya ayaana shirkan ay la yeelatay wasiiradda ka socda maamulka Puntland u muuqda mid ay ku xumeeneyso dowladda Federaalka oo xiriir xun kala dhaxeeyo, sidoo kale soo dhaweesaneyso maamulka Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo ee DFS.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Xabsiga dhigay Dhalinyaro Caan ka ah Baraha Bulshada.

Axad 19 May 2024 {HMC} Howgal qaatay muddo 24 saac ah ayeey Ciidanka Boliiska Qeybta Guud kusoo qaqabteen dhalinyaro tiradoodu gaareyso 21 ruux kuwaas...

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

WARARKA