Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo tababar usoo xirtay cutubyo katirsan ciidamadeeda badda

Talaado  3, April 2024 {HMC} Dowladda Itoobiya ayaa tababar usoo xirtay cutubyo ka tirsan ciidamadeeda badda Itoobiya oo la baray xirfado la xiriira dab-damiska maraakiibta.

Wakiilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda Itoobiya, Rear Admiral Naasir Abadga, ayaa u sheegay askarta tababarka loo soo xidhay inay waajib ku tahay ka hortagga wax kasta oo lid ku ah ammaanka badda.

In kasta oo Itoobiya ay weli tahay dal aan bad lahayn, haddana waxa ay qabanqaabinaysay ciidammadeeda badda shantii sano ee la soo dhaafay.

Bishii Juun ee sannadkii hore, Itoobiya waxaa ka qalin-jabiyay dhowr xubnood oo ka tirsan ciidamada badda oo lagu tababaray xirfado kala duwan.

Itoobiya ayaa bishii January ee sanadkan heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, heshiiskaas ayaa u oggolaanaya Ethiopia inay isticmaasho 20km oo katirsan biyaha Somaliland, halka Itoobiya ay sheegtay inay Somaliland siinayso aqoonsi caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaan, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax banaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. Waxayna mrkaas ka dib dowladdu hoos u dhigtay xiriirka diplumaasiyasadeed ee kala dhaxeeyay Itoobiya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA