Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada PUNTLAND oo gacanta kusoo dhigay nin xalay dil ka gaystay gudaha magaalada garowe

Axad 7, April ,2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo loo gaystay askari ka tirsanaa ciidamada ammaanka Puntland.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Fiqi ayaa waxaa lagu toogtay bartamaha Garoowe, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga Puntland.

Falka dilka ah kadib ciidamada oo sameeyay howlgal deg deg ah ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanihii ka dambeeyay falkaas oo magaciisa lagu sheegay Cabdinuur Bashiira Maxamed.

“Howlgal qaatay Saacado kooban oo uu hogaaminayay Taliyaha qaybta boliska G.Nugaal ayaa gacanta lagu dhigay eedaysane Abdinuur Bashiir Maxamed oo ku eedaysan dilka marxuun Abdixakiin Fiqi oo ka tirsanaa ciidamka booliska G.Nugaal oo caawa fiidkii lagu dilay magaalada Garoowe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland.

Sidoo kale taliska ayaa intaasi ku daray in soo qabashada eedeysanaha ay soo gacan geliyeen ehelladiisa, ayna u mahadceliyaan maadaama ay la shaqeeyeen ciidanka amniga.

“Taliyaha ayaa uga mahadceliyey ehelada eedaysanaha oo gacan ka siiyay soo qabashadiisa isagoo fariin adag u diray kuwa caadaystay waxyeelaynta muwaadiniinta, sharciguna uu kawayn yahay cidkasta” ayaa lasii raaciyay qoraalka.

Puntland aya sidoo kale farriin u dirtay shacabka waxayna ka codsatay inay la shaqeeeyaan laamaha amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah amniga.

“FIIROGAARAH: Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadeedka.

Garoowe oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan, inkastoo ay dadaallo sameeyaam ciidamada ammaanka ee ku sugan magaaladaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA