Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka NISA oo soo badbaadiyay nin ajnabi ah oo Katirisan A S

Axad 7, April ,2024 {HMC} Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka oo kaashanaya ciidanka booliiska, ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ay kusoo badbaadiyeen nin ajnabi ah oo u afduubnaa kooxda Al Shabaab.

Howlgalka ay ciidanka huwanta ah fuliyeen ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Najax  iyo Abdi Ducaale oo hoostaga Baled Xaawo, waxaana halkaasi ka kala firxaday dagaallamaal katirsanaa Al Shabaab oo goobtaasi ku sugnaa.

Ciidanka ayaana goob ay ka carareen kooxda Al Shabaab ugu tagay nin kasoo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan Oromada oo u afduubnaa Al Shabaab, ninkan ayaana ka xirnaa gacmaha waxaana ka muuqday jirdil iyo dhibaatooyin kale uu la kulmay.

Saraakiisha ciidanka nabad sugida ayaa ninkan u afduubnaa Al Shabaab usoo waday taliskooda ku yaalla degmada Balad Xaawo, waxa ayna ciidanka ninkaasi weediinayaan su’aalo ,iyaga oo sidoo kale xaaladiisa caafimaad la tacaalaya.

Al Shabaab ayaa ku sugan deegaanno kuyaalla duleedka degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, waxa ayna kooxdan isaga cararaan deegaannadaasi marka ay gaaraan ciidanka dowladda, iyagoona dib ugu soo laabtay marka ay ciidanka ka baxaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA