Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Taliyaha Boliska oo shir deg deg ah la qaatay Saraakiisha laamana amniga

Axad 7, April ,2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan dag dag ah iskugu yeeray Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee ka Howlagalo Gobolka Banaadir iyo Nawaaxigiisa,

Ujeedka kulanka ayaa ahaa dardar galin Howlaha amni ee Caasimada maadaama bishii barakeysned ee Ramadaan ay Gabagabo tahay loona diyaar garoobo sidii loo xaqiijin lahaa amniga muwaadiniinta Maalmaha ciida ee nagu soo food leh u dabaaldagayo,

S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa dhamaan Saraakiisha fadhiyada Qeybaha saldhigayada Nabad sugida iyo Boliis Militaaro, in laga shaqeyo sidii loo laba jibaari lahaa amniga Caasimada iyo Nawaaxigeeda.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ayaa sidoo kale warbixino ka dhegeystay saraakiisha ciidamada iyo taliyeyaasha saldhigyada kuwaasoo la xiriiray xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA