Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Doodada ka taagan wax badalka Dastuurka ma tahay Mid sharci ah.

Axad 7, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan saxiixay cutubyada dastuurka ee wax laga beddelay, isla markaana ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka. Madaxda dawladda federaalka ayaa tallaabooyinka dib u eegista dasturuka ku tilmaamay “guul taariikhi.

Hase yeeshee waxaa wax ka beddelka dasturuka cambaareeyey maamul goboleedka Puntland iyo xubno ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka. Puntland waxay ku eedaysay madaxweynaha inuu jebiyey dastuurkii, waxayna sheegtay inaysan aqoonsanayn dawladda federaalka, isla markaana ay arrimahaeed au maamuli doonto sidii dawlad madaxbannaan.

Toddobaadkii horena wafdi ka socda Puntland ayaa la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Itoobiya, taasi oo ka caraysiiyey dawladda federaalka.

1-dii bishii Jannaano ee sannadkanna, dawladda SOomaaliya waxay ku eedaysay Itoobiya inay ku xadgudubayso madaxbannaanida Soomaaliya kadib markii ay is-faham la gashay Somaliland ku saabsan helitaanka saldhig milatari oo kiro ah laguna beddalanayo aqoonsi. Somaliland iyo Itoobiya waxay difaaceen heshiiskaasi. Somaliland waxay horey ugu dhowaaqday inay tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya inkastoo aysan ilaa haatan helin aqoonsi caalami ah

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA