Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Warbixin: Xiisadaha Siyaasadeed ee Soomaaliya ee gudaha iyo dibedda

Axad 7, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan saxiixay cutubyada dastuurka ee wax laga beddelay, isla markaana ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka.

Madaxda dawladda federaalka ayaa tallaabooyinka dib u eegista dasturuka ku tilmaamay “guul taariikhi.”

Hase yeeshee waxaa wax ka beddelka dasturuka cambaareeyey maamul goboleedka Puntland iyo xubno ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Maxmed Abdullahi Farmajo ayaa Xiligaasi sheegay inaan la aqabali karin Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeysay Madaxtooyada

”Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee loo ballansan yahay maalinta Sabtida ah 30ka Maarso 2024, waa mid sii cadayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah. ” ayuu yiri Farmajo

Qorshaha haatan socda ee Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kula wareego awoodaha Baarlamaanka iyo Guddoonka Labada Aqal ee la xisaabtan la’aanta xukuumadda, doorka hoggaamineed ee Ra’iisul-Wasaarah iyo hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan masuuliyadaha heer xukuumadeed iyo heer dowlad-goboleed ee soo xulista Guddiga Doorashooyinka waa mid caddeyn u ah nooca dastuurka iyo doorashooyinka uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud.  “ayuu yiri Farmajo

Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay. “ayuu Hadalkiisa Raaciyay Farmajo

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada dalkeenna, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan, kuna soo celiyaan Golaha shaqada ay wakiilka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ah ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka.”ayuu Hadalkiisa Raaciyay Farmajo.  “ayuu yiri Farmajo

Dastuurkan la rabo in lagu meel mariyo hanaan sharci darro ah, oo aanan haysanin aqbalaad bulsho, iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga.”ayuu Hadalkiisa Raaciyay Farmajo

Go’aan kasta oo baalmarsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, heshiiska siyaasadeed ee Madasha Qaranka oo markii horeba ay ka maqnayd Puntland iyo habraac si fowda ah loogu codeeyey oo aan heshiiska lagu aheyn ee Guddoonka Baarlamaanku ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan hindisaha halka dhinac ah ee dastuurka, waxa uu noqonayaa mid aan sharciyad haysanin. “ayuu yiri Farmajo

Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena. ””ayuu yiri Farmajo

Puntland waxay ku eedaysay madaxweynaha inuu jebiyey dastuurkii, waxayna sheegtay inaysan aqoonsanayn dawladda federaalka, isla markaana ay arrimahaeed au maamuli doonto sidii dawlad madaxbannaan.

Puntland ayaa xiligaasi shaacisay iney qaadatay go’aan adag oo ay ku sheegtay inay aqoonsiga kala noqotay Hay’adda Dawladda Federaalka, iyadoo go’aanka Puntland lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo.

Go’aanka Puntland ayaa waxaa uu jawaab u ahaa talaabadii Xildhibaanadda Labada Aqal ee baarlamanka Somalia ku anxsixiyeen Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee wax ka bedelka dastuurka.

Go’aanka Dowladda Puntland kasoo baxay Shir aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada maamulkaas Kaasi oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Sidoo kale waxa xiligaasi Ka Horyimid Qorshaha madaxtooyada madaxweeynihii Hore ee Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si adag uga hadlay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si adag uga horyimid qorshaha xildhibaanada labada Aqal ay ku meel mariyaan wax ka bedelka dastuurka KMG .

Sheekh Shariif ayaana ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu gadaal ka riixayo qorshahan wax looga bedelayo dastuurka iyada oon raali laga wada aheyn, waxa uuna sheegay in Xasan Sheekh uusan daneeneyn wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaana nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dhagaha ka fureestay tallaabooyinkii iyo dedaaladii lagu saxayay hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka iyo heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobada masiiriga ah.

Waxa uu ku baaqay Sheekh Shariif haddii Madaxweyne Xasan ku adkeesto wax ka bedelka Dastuurka ayna ku raacaan Baarlamaanka , shir deg deg ah ay isugu yimaadaan masuuliyiinta iyo daneeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya , si loo ilaaliyo dowladimada.

Toddobaadkii horena wafdi ka socda Puntland ayaa la kulmay saraakiil sare oo ka tirsan Itoobiya, taasi oo ka caraysiiyey dawladda federaalka.

War Arbacadi la soo dhaafay lagu daabacay barta ay Facebook ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay, in Itoobiya iyo maamul goboleedka Puntland ay ku heshiiyeen in la wanaajiyo xiriir ay ku sheegeen inuu dhinacyo badan leeyahay.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashi ay ka yeeshaan fursadaha ganaci, maalgashiga, iskaashiga tamarta, iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee wadajirka, si loo xoojiyo loona ballaariyo xiriirka u dhaxeeyo labada dhinac. ayaa lagu yiri qoraalka.

War saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay, in wafdiga ka socday Puntland ay carrabka ku adkeeyeen xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, isla markaana qiray taageerada iyo iskaashiga Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo ammaanka.

Wafdiga ayaa sidoo kale sheegay in in maamulka cusub ee Puntand uu doonayo, inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Itoobiya, isla markaana ay carrabka ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in diiradda la saaro ganacsiga, horumarinta kaabayaasha iyo iskaashiga dhaqaale, ayaa lagu yiri bayaanka.

Sida ku xusneeyd bayaanka, Danjire Mesganu ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Itoobiya uga go’antahay xiriirka Puntland isla markaana hoosta ka xarriiqay in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan dhinacyo badan oo kala duwan.

Heshiiskaan ayaa kusoo beegmay, maalmo yar kaddib marki ay Puntland sheegtay, in ay kalsoonidi kala laabatay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sababo la xiriiray tallaabadi uu Baarlamaanka Soomaaliya ku anisixiyay afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Talaabadii Xigtay ee Dowlada Soomaliya qaaday ayaaa Noqotay in Dowlada Soomaalya ay cayriso safiirka Itoobiya ee Soomaaliya islamarkaana xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay qunsuliyadaha ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, ayada oo Addis-Ababa ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Qaraar kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya 4-tii Apri ee Sanadkan ayaa lagu yiri “Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey islamarkaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.”

Dowladda ayaa sidoo kale amartay inay toddobaad gudihiis dalka uga baxaan diblomaasiyiinta Itoobiya.

“Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Qaraarka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkan “ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” lagana qaadi tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka, sida lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa Xiligaasi  lagu amray safiirka Itoobiya Mukhtaar Maxamed Waare inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.

Qaraarkan ayaa imanaya ayada oo bayaan Arbacadii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya lagu sheegay, in wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Danjire Mesganu Arga uu xafiiskiisa si diirran ugu soo dhaweeyay, wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda ee Puntland Maxamed Farax Maxamed oo booqday Addis-Ababa.

Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa waxaa horey uga dhaxeeyey xiisad ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya ee dhigayey in Somaliland ay Itoobiya ka kireyso dhul badeed ay ka sameysato saldhig ciidamada badda ah iyo dekad, halka Itoobiya ay aqoonsaneyso Somaliland.

1-dii bishii Jannaano ee sannadkanna, dawladda Soomaaliya waxay ku eedaysay Itoobiya inay ku xadgudubayso madaxbannaanida Soomaaliya kadib markii ay is-faham la gashay Somaliland ku saabsan helitaanka saldhig milatari oo kiro ah laguna beddalanayo aqoonsi. Somaliland iyo Itoobiya waxay difaaceen heshiiskaasi. Somaliland waxay horey ugu dhowaaqday inay tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya inkastoo aysan ilaa haatan helin aqoonsi caalami ah

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA