Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Hay’adda WFP oo muddo lix bilooda markii ugu horraysay cunto geysay Darfur

Isniin April 8, 2024 {HMC} GENEVA — Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa ka digtay in dagaalka ka socda Suudaan uu halis ugu jiro in uu abuuro dhibaatadii ugu darnayd ee macaluul ah, waxayna haatan sheegaysaa inay ugu dambayn ku guulaysatay in ay cunto gargaar ah oo baahi weyn loo qabay ay geyso gobolka Daarfuur, taasoo noqonaysa gargaarkii ugu horreeyey ee halkaas la geeyo muddo lix bilood ah.

 

Hay’adda cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa laba kolonyo oo gaadiid ahi in ay ka soo tallaabeen dhinaca xadka dalka Chad oo ay soo gaadheen gobolka Darfur dabayaaqadii todobaadkii hore, kuwaas oo siday cunto gargaar ah oo loogu talo galay illaa rubuc milyan qof oo ku nool woqooyiga, galbeedka iyo badhtamaha Darfur.

 

WFP ayaa sheegtay in hawsha gargaarka lagu gaadhsiinayo Darfun, in dib loo dhigayey muddo dheer, hase ahaatee ugu dambayn la fasaxay, ka dib wada-xaajood dheer oo lala galay dhinacyada ay khusayso.

Tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Sudan, muddo haatan sannad laga joogo, waxaa Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku barakaceen in ka badan 8.5 million oo qof, taas oo 6.5 million oo ka mid ahi ay ku sugan yihiin gudaha dalkaas.

WFP ayaa sheegtay in 18 million oo qof inay haatan qarka u saaran yihiin macaluul, halka 90% ay ku sugan yihiin goobo ay adag tahay in la gaadho.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA