Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo ka digay weeraro kusoo wajahan garoonka Aadan Cadde iyo xarumo kale oo muhiim ah.

isniin 8, April ,2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa digtay weeraro maalinta Talaadada ee berri ah ka dhici kara garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo goobo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho.

Safaaradda ayaa sheegtay in lasoo saaray heerka darajada afaraad ee digniinta socdaalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo ah (“ha safrin”) ee Soomaaliya, sababo la xiriira dembiyada, argagixisanimada, kacdoonka shacabka, arrimaha caafimaadka, afduubka, iyo budhcad-badeednimada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xasuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in argagixisadu ay wadaan abaabulka afduubka, qaraxyada, iyo weerarada kale ee Soomaaliya.”

Safaaradda ayaa sheegtay in AS ay fulin karaan weeraro ay ku beegsanayaan garoomada diyaaradaha, dekadaha, baraha kontorool, dhismayaasha dowladda, hoteellada, maqaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan, iyo goobaha ay ku badan yihiin Reer Galbeedka, dowladda, militariga iyo kolonyada baabuurta.

“Hababka weerarrada waxaa ka mid ah, laakiin aan ku xaddidnayn, qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, shakhsiyaadka weerarada tooska ah fuliya, iyo madaafiicda,” ayey tiri safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ayaa u sheegtay muwaadiniinta Mareykanka inay awood kooban un u leedahay inay u gurmato shacabkeeda ku sugan Soomaaliya, sidaas darteedna ay kula talineyso inaysan dalka usoo safrin.

Waxaa xusid mudan in inta badan digniinaha Mareykanka ay xigaan weeraro, inkasta oo mararka qaar ay weeraradaas ka dhacaan meelo aan aheyn goobaha laga digay.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA