Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte oo lagu dilay ku dhawaad 50 dagaalame oo tirsan AS

Talaado-9-April-2024 {HMC} Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar dhanka cirka ah ku dilay kuw dhawaad 50 ka tirsan AS sida ay sheegtay warbaahinta DF

Weerarka ka dhacay deegaan ku dhow Xarardheere oo lagu magacaabo Baraagta Gurguurte ayaa waxaa ka mid ah xubnaha lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Axmed Jiis oo lagu eedeeyey inuu qorsheynayay falal argagixiso ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku daba jira haraadiga kooxda Khawaarijta ee ku cararay duurka, iyadoo shacabka deegaanka uga mahadceliyey sida ay oganatahay soo afjiradda Khawaarijta waqtigooda dhamaaday ee Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warka ay baahisay DF.

AS kama hadlin weerarkan, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah, hase ahaatee waxaa weerarkan uu ku soo aadayaa xili ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya dadka hubeysan ee degaanka iyo ciidamada Mareykanka ay mudooyinkan howlgalo ka wadeen gobolada dhexe.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA