Sunday, May 19, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa yaalla madxafka Nabiga ee uu booqday madaxweyne Xasan Sheekh?

Talaado-9-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu dhawaan booqasho ku tagay Bandhigga Caalamiga ah iyo sidoo kale Madxafka Taariikhda Nabiga ee ku yaalla Sacuudi carabiya.

Sidoo kale waxa uu booqasho ku tagay xarun lagu soo bandhigo ilbaxnimada Islaamka oo ku taalla magaalada Madiina.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu baryahaanba booqasho ku joogay dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayay madaxda dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxa uu cibaado u tagay, xaramka barakeysan iyo masaajidka rasuulka oo ku oogay saladda, isaga iyo wafdi uu hugaaminayay.

Madaxweynaha ayaa waxaa la tusiyay waxyaabo la kaydiyay oo ka turjumaya noloshii nabiga, iyo sidoo kale farashaxano laga sameeyay magaalooyinka Makka iyo Madiina, iyo sidoo kale wadadii ay isticmaaleen saxaabadii u hijrootay magaalada Madiina. Khariidado ay ku qoran yihiin sawirada magaalada oo loogu talo galay waxbarasho ahaan ayaa halkaas sidoo kale lagu tusay.

Markii uu dhamaystay booqashada ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh amaanay mashruucaan oo uu ku tilmamaay mid faa’iido u leh qaramada Islaamka oo dhan.

Muxuu yahay madxafkaan?

Madxafkaan ayaa waxaa xariga laga jaray sanadkii 2021 kii, xilligaas oo ay hawshiisa gacanta ku hayeen Ururka Korjogtada Dunida Muslimka, Sidaas ayaa waxaa lagu sheegay war ka soo baxay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Madaxafkaan ayaa waxa uu ku yaalla meel aan sidaas uga fogayn masaajidka rasuulka eek u yaalla magaalada Madina. Madxafkaan ayaa waxa uu furan yahay afar iyo labaatan saac ee maalinkii waxaana loogu talagalay oo kaliya in lagu kaydiyo taariikhda Islaamka iyo sidoo kale middii nabi Maxamed NNKH.

Madxafku waxa uu leeyahay qayb lagu soo bandhigo waxyaalo la daabacay oo ay ku qoran yihiin ilaa iyo 25,000 oo dhacdo oo la xariira waxyaalihii mucjisooyinka ahaa ee lagu arkay nabiga intii uu noolaa.

Bandhiggyada madxafka lagu sameeyo ayaa waxaa ka soo muuqda daraasiin farshaxan iyo bandhigyo lagu sameeyo shaashado waawayn. Waxa ay leeyihiin tiyaatar nuucisu yahay 4DX kaas oo isna lagu soo bandhigo filimaan taxane ah oo ku saabsan nolosha nabiga.

Mid ka mid ah teendhooyinka ayaa waxay tahay mid loogu talagalay kaliya in lagu soo bandhigo taariikhda haweenka Islaamka iyo in ay muujiso muhiimadda doorka haweenka ay u leedahay in la faafiyo fariinta runta iyo wanaaga ah iyo sidoo kale doorkii aadka muhiimka u ahaa ee haweenku ay ka qaateen noloshii nabiga intii uu waday dacwadda.

Tiknoolajiyadda fogaan aragga ah, muuqaalo iyo sidoo kale naqshada dhismayaasha ee kumeelgaarka ah ee loo adeegsado farshaxanka ayaa waxay inta badan qeexayaan noloshii nabiga, iyaga oo ka kooban kuwa faahfaahinaya agabka guiga ee nabigu isticmaali jiray, maryihiisii, kabahiisii iyo xitaa shanladiisii.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baryahaan ku sugnaa Sacuudiga ayaa waxa uu kulan la qaatay boqor Salmaanka dalka Sacuudiga, isaga oo kala hadlay arimo ay ka mid yihiin xriirka labada dal iyo kobaca dhaqaalaha.

War ay soo saartay dawladda Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in dawladda Sacuudigu ay ugu hambalyayneyso dawladda Soomaaliya, go’aankii farxadda lahaa ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, kaas oo ay gaareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Labada dhinacba wax faahfaahin kama bixin waxay ay sida rasmiga ah isula lafa gureen ee la xiriira dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirkooda, balse dawladda Sacuudiga ayaa inta la xasuusan yahay waxay horay heshiis dhinaca ammaanka ah ula saxiixatay dawkadda Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan

Axad May, 19, 2024 (HMC) Dadka Ku Nool Buunda-weyn oo ku Rajo weyn yahiin inaan Fatahaad Looga Barakicin Xaafadan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/7QNYRMXU7Mg  

{DAAWO MUUQAALKA} Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la’aani…..

Axad May, 19, 2024 (HMC) Cabasha ka timid heshiis dhex maray ceelasha biyaha iyo Xaafad ku taal Muqdisho oo biya la'aani..... HOOS KA DAAWO MUQAALKA...

WARARKA