Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxey tahay Sababta Itoobiya ay ugu biireyso Beesha Bariga Afrika ?

Jimco 12 April , 2024 {HMC} Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay noqoto dalkii 9-aad ee Beesha Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC, taas oo ku soo beegmeysa dhowr bilood ka dib markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay urur goboleedkan.

Wasiirka Kenya u qaabilsan Bariga Afrika iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah, Peninah Malonza ayaa warkan ka sheegtay munaasibad cunto gargaar ah lagu qaybinayey oo ka dhacday degmada Kitui ee gobolka Bari.

Ms. Malonza oo sii hadleysa ayaa shaaca ka qaadday in wadahadallaa u dhexeeya Addis Ababa iyo madaxdaa ugu sarreya dallada EAC ay meel gebogebo ah marayaan, islamarkaana ay Itoobiya ay goor dhow ku soo biireyso Beesha Bartiga Afrika.

Peninah Malonza oo uu soo xigtey Telefishinka Dowladda Kenya ee KBC intaas ku dartay in dalalka ku midoobey Beesha Bariga Afrika ay doonayaan in ay mideeyaan siyaasadahooda ku aadden hirgelinta hannaan maaliyadeed oo qura iyo hay’adihii yagleeli lahaa lacag qura oo dalalkaas yeeshaan.

Beesha Bariga Afrika waxaa ku bahoobay 8 dal oo kala ah: Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaana xarun u ahmagaalada Caruusha ee dalka Tanzaniya.

Inkastoo aan dhanka Itoobiya weli laga hayn wax xaqiijinya jiritaanka xogta ay bixisay wasiirddu, haddana waxaan qarsooneyn in EAC dooneyso in ay isku ballaariso Bariga Afrika, waxayna sidoo kale u gacan haatineysaa dalalka Jibuuti, Eriteriya iyo Sudan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA