Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Walaac weyn Ayeey Abuurtay Soo laabashada burcad badeedda Soomaalida.

Jimco 12 April , 2024 {HMC} Guud ahaan 33 dhacdo oo burcad badeed oo loo geystay maraakiibta ganacsiga, ayaa laga diiwaan galiyay caalamka sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2024, taasoo ka badan 27 dhacdo oo isku mid ah isla mudadaas 2023, sida uu sheegay xafiiska badaha caalamiga ah (ICC).

 

Xoghayaha guud ee ICC John Denton ayaa yiri,” Dib u soo noqoshada dhaq-dhaqaaqa burcad-badeedda Soomaalida waa mid welwel leh. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo ganacsiga, la ilaaliyo waddooyinka, iyo badqabka badmaaxiinta. Waa in la qaado dhammaan tillaabooyinka lagu hubinayo qulqulka xorta ah ee badeecadaha.

 

Soo laabashada burcad badeedda Soomaalida ayaa ku soo aadeysa xilli Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale rasaas ku furaan maraakiibta ganacsiga, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay la bartilmaameedsaday ku dhawaad 80 markab.

 

Sidoo kale, qiimaha ilaalada gaarka ah ee maraakiibta, ayaa kor u kacay sanadkan, sida laga soo xigtay rugta caalamiga ah ee ganacsiga isaga kala goosha badaha adduunka.

 

Khubarada ku taqasusay amniga ee fadhigoodu yahay magaalada London ee la yiraahdo Subrosa Group, ayaa bilaabay qayb cusub oo amniga badda ah, si looga jawaabo baahida muhiimka ah ee ilaalinta maraakiibta waaweyn ee mara biyaha khatarta ah ee adduunka oo dhan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA