Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Shir looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda oo ka dhacay Muqdisho.

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa

gudoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye {Yabooh}, Taliyaha Qeybta Guud ee

Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor, ayaa waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka

Amniga loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA