Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xilka si rasmi ah ula wareegay, kaddib munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaana maanta ku wareejiyay xilka wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Fiqi, waxa uuna halkaasi ka jeediyay kalmad uu wasiirka kusoo dhaweenayo.

Axmed Macalin Fiqi wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo munaasabada xil-wareejinta hadal ka jeediyay ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha oo xilka cusub u igmaday.

Wasiirka ayaana sheegay in uu ku rejo weyn yahay in halkeeda kasii wado dedaaladii socday, uuna filayo in wax badan qaban doonaan isaga iyo howlwadeennada kale ee wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Ugu dambeyn wasiir Axmed Fiqi ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaanba in ay ku garabsiiyaan gudashada hawshaas qaran iyo difaaca danaha dalkeena iyo wadajirkiisa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA