Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dagaal udhaxeeya xubno katirsan jabhada hubeysan iyo ciidamada Itoobiya oo ka socdo magaalada Adis Ababa.

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Xaalada dalka Itoobiya ayaa u muuqda mid sii xumaanaya oo faraha kasii baxaya muddooyinkan u dambeeyay, waxaana falal amni darro iyo dagaalo sukeeye ka socdaan qaar kamid ah gobolada dalkaasi.

Dagaal dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ka dhacay gudaha magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, dagaalka ayaana u dhaxeeyay xubno katirsan jabhada hubeysan ee Fano iyo ciidamada ammaanka Itoobiya.

Booliiska magaalada Adis Ababa ayaa war ay soo saareen ku shaaciyay in dagaalka dhacay ku dhinteen saddex qof, waxa ayna tilmaameen in dadka dhintay labo kamid ah katirsanaayeen jabhada Fano , halka qofka kalana uu ahaa shacab.

Dagaalka ayey sidoo kale booliiska magaalada Adis Ababa shaaciyeen in ay ku dhaawacmeen labo askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka, waxa ayna xuseen in hadda socdaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Jabhada hubeysan ee Fano ayaa inta badan ka howlgasha gobolka Amxaarada Itoobiya, waxa ayna jabhadan dagaal xooggan la gashay ciidamada Federaalka, iyagoona ka saaray ciidamada deegaanno badan oo katirsan gobolkaasi.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA