Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DF oo sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin qorshaha Itoobiya , balse ay mid kale ogolaato haddii laga wadahadalo.

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin qorshaha ay Itoobiya saldhig ciidamada badda ah uga dhisayso Somaliland, balse ay ka fakari doonto inay u ogolaato dekad ganacsi, haddii laga wadahadalo.

Itoobiya, oo aan bad lahayn, ayaa bishii Janaayo heshiis la gashay maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya, heshiiskaas oo dhigaya in laga kireeyo dhul badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan, taas beddelkeedna ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiiska ku tilmaamtay mid sharci-darro ah, oo xadgudub ku ah madax-banaanida, qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Si loo qaboojiyo xiisadda, Kenya oo la tashaneysa Jabuuti, ayaa soo jeedisay heshiis badeed sharciyeynaya sida dalalka gobolka ee aan badda lahayn ay ku heli karaan dekado loo marayo heshiis ganacsi, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah.

Kahor inta aan laga wada-hadlin helitaanka dekad laga heshiiyo, Itoobiya waa inay marka hore nasakhdaa heshiiska Somaliland, waxaa sidaas wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Balcad.

“Soomaaliya weligeed ma aqbali doonto saldhig ciidan,” ayuu yiri Cali Balcad. “Soomaaliya waxay diyaar u tahay gelitaanka heshiis ganacsi badeed si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badda.”

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wadahadal ka gasho hindisayaasha haddii ay waafaqayaan danaha dalka oo ah “in la ilaaliyo madax-banaanideena, madax-banaanida siyaasadeed iyo midnimada.”

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa diiday inuu ka hadlo warka cusub ee kasoo baxay Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA