Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Diyaarad Drone ah oo nooca wax basaasa ah oo lagu qabtay magaalada DHUUSAMAREEB

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe diyaarad nooca wax basaasa ah lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Diyaaraddan oo Drone ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka, xilli ay dul heehaabeysay hawada sare ee magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddan labadii habeen ee lasoo dhaafay lagu arkayay aagga Dhuusamareeb, balse ugu dambeyn xalay gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku guuleysteen qabashada diyaaraddan oo loo maleynayo inay u basaaseysay kooxda AS oo weli dagaallo ka wadda halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen in diyaaraddan laga shakiyay, kadibna ay u howlageen sidii loo qaban lahaa, xalayna gacanta lagu dhigay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka inta ay wadeen howlgalka ay gacanta kusoo dhigeen nin ajnabi ah oo laga shakiyay, kaas oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

Ciidamadu ma shaacin halka ay halka uu kasoo jeedo ninka la qabtay, balse waxaa ku socda baaritaano dheeraad ah oo ay ku lahaayn laamaha amniga ee Galmudug.

Howlgalkan guuleystay ee ka dhacay Galmudug ayaa kusoo aadayo, xilli haatan gobollada dhexe ay ka socdeen howlgallo dhul ballaaran looga xoreeyay kooxda AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA