Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Turkiga oo Xayiraaad dhinaca fiisaha kusoo Rogtay Soomaliya.

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Laga bilaabo bishan April 15-da ee sannadkan 2024-ka waxay dowladda Türkiye dhaqan-gelin doontaa sharci culus oo lagu soo rogay dhoofayaasha Transit ku sii ah garoonka diyaaradaha ee Istanbul Airport, kuwaasi oo ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Dowladda Türkiye ayaa qaadatay sharciga Cusub, si looga hortago muhaajiriinta aan caadiga ahayn ee ku sii qulqulayo dalalkaasi, si ay uga sii gudbaan xuduudaha dalka Maraykanka.

Shabakadda Wararka ee VisaGuide.World ayaa qortay inuu dalka Türkiye noqday ubucda waddan Transit ahaan looga sii gudbo dalalka kale ee caalamka, gaar ahaan muhaajiriinta Mareykanka kusii jeeda.

Sharcigan cusub waxa uu saamaynayaa dhoofayaasha Transit-ka ku sii mara garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ee ku sii wajahan dalalka Mexico, Panama, Columbia iyo Venezuela.

Muwaadiniinta dalalka Somalia, Yemen, Chad, Cameroon, Mauritania, Burkina Faso, Guinea, Afghanistan, India iyo Nepal ee Transit-ka ku sii marayo garoonka diyaaradaha Istanbul Airport ayaa waxaa waajib looga dhigay inay haystaan fiisaha Elektoroonikada ee Transit-ka Garoonka.

Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed (Diplomatic sources) ayaa waxay iyagana xaqiijiyeen inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Türkiye soo dhamaystirtay dhammaan diyaarinta lama huraanka u ah soo-saarista codsiga Elektoroonikada ee Fiisaha Transit-ka ee garoonka , si loogu dabaqo sharciga Fiisaha Transit-ka ee garoonka Diyaaradaha Istanbul Airport ka dhaqan geli doona bishan April 15-da.

Si kastaba, waxaa sii kordhayo tirada muhaajiriinta sharci-darrada ee ka kala socda dalal kala duwan oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Latin America ee u adeegsada Duullimaadyada (Via Türkiye) si ay u gaaraan Waqooyiga America.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA