Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Iiraan oo Weerar deg deg ah ku qaadeysa Israel

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Iyadoo laga walaacsan yahay in xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel ay kororto ayey safaaradda Mareykanka ee Israel xaddiday safarka shaqaalaheeda iyadoo Faransiiska ay kala baxeen dibolomaasiyiintooda Tehran.

Telefishinka CBS ayaa ka soo xigtay labo sarkaal oo Mareykan ah in Iran degdeg u weerari doonto Israel.

CBS waxay sidoo kale sheegeen in ay ka soo xigteen saraakiisha in Iran qorsheyneyso weerar ay qaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shiinaha ayaa ka dalbaday Mareykanka in ay door wax ku ool ah ka qaataan mushkiladda ka taagan bariga dhexe.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa Khadka taleefoonka kula hadlay Wang Yi oo ah sarkaalka ugu sareeya siyaasadda dibadda Shiinaha isagoo ka dalbaday inuu adeegsado saameynta Shiinaha si xiisadda loo qaboojihyo. Wang Yi waxa uu cambaareeyay weerarka qunsuliyadda Iran.

Reuters ayaa sheegtay khamiistii in Mr Blinken uu xiisadda kala hadlay wasiirada arrimaha dibadda Turkiga, Shiinaha iyo Sucudiga. Wuxuuna u sheegay in aysan cidi dan ugu jirin xiisadda oo sii kororta.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA