Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kooxda Arsenal malaga yaabaa in ay hoggaanka horyaalka sii hayso ?

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Horyaalka Ingiriiska waxa uu galayaa sabtiga toddobaadkii 33-aad. Waxaana dhacaya lix kulan halka Axadda la cayaarayo saddex kulan.

Arsenal ayaa lagu dhaliilay kulankii iyaga iyo Bayern Munich inkastoo aysan sidaa u sii xumeyn hadana Gunnersa way guuleysan kareen hadii Bukayo Saka uu isku dayi lahaa in uu gool dhaliyo halkii uu kaga dhacay Maneul Neur. Kulanka iyo iyaga iyo Villa waa mid adag balse Villa ma garaaci karto Gunners.

Tottenham iyo Newcastle ayaa is arkaya. Newcastle waxay ka timid meel hoose kaddib markii ay ka soo adkaadeen West Ham toddobaadkii hore. Tottenham ma dooneyso kulankan barbardhac.

Manchester City in ay ka guuleysto Luton waxay siineysaa fursad ay ku cadaadiso kooxaha kale ee horyaalka hoggaaminaya balse Luton si fudud iskuma dhiibeyso. Meel fog ayey ka yimaadeen .

Way adag tahay in la saadaaliyo natiijada Manchester United marka la fiiryo tayada ciyaatoyda ay haystaan.

Ciyaar aad u adag ayaa la filayaa in ay noqoto kulanka Liverpool iyo Crystal Palace. Maxamed Saalax sidii hore ma ahan gool dhalintiisa ilaa iyo markii uu ka soo laabtay dhaawaca.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA