Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Natiijadii kasooo baxday wada-hadalladii Sheekh Shariif uu la yeeshay Xasan Sheekh iyo Qodobada la isku qabtay.

Sabti 13 April , 2024 {HMC} Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay wadahadallo isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sheekh Shariif ayaa xaqiijiyey in wadahadallada ay fashilmeen, oo wax xal ah lagu gaari waayey, sida xogtaas ay horay warbaahinta u ogaatay Wuxuu sidoo kale sheegay in saddex qodob diiradda lagu saaray wadahadallada balse dhammaantood lagu isku afgaran waayey. Hoos ka aqriso qoraalka Shariif.

WAR-SAXAAFADEED

Sida ay la socdaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa jirey kulan kadhacay magaalada Nairobi, oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii xal looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo Waxgarad.

Marka hore, waxaan mahad aan la soo koobi karin u jeedinayaa madax dhaqameedkii iyo waxgaradkii sida hagar la’aanta ah ugu istaagay isku soo dhaweynta aragtiyada kala duwan. Waxaan leeyahay Ilaahay ha idinka abaal mariyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Aniga Odiyaashu waxay noo daayeen wada hadalka iyo xallinta arrimaha jira inaan isla meel dhigno sida uu Madaxweynuhu codsaday, Aniguna Kulankaas waxaan ku tagay niyad wanaag iyo in xal laga gaaro arimaha lagu kala aragtida duwanyahay kuwaasoo kala ah seddexda arrimood ee hoos kuxusan:

1. Arimaha Dastuurka
2. Arimaha Siyaasada iyo Mustaqbalka Dalka
3. Khilaafka DFS iyo Dowlad Goboleedka Puntland

Dood dheer kadib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodney, Waxaan rumeysanahay mabda’a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo is qancin, marxalada adag ee uu maanta dalku maraayana ay tahay lagama maarmaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed.

Mar kale, waxaan u mahad-celinayaa Waxgaradkii iyo Ganacsatadii dadaalka iyo dhaqaalahaba ku bixiyey in xal laga gaaro khilaafaadka jira.

MAHADSANIDIIN

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA