Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Abshir Gaarane oo geeriyooday, Maxuusa Ahaa hadalkiisii saameynta lahaa ee ugu dambeeye?

Axad 14 April , 2024 {HMC} Allaha u naxariisto Abshir Gaarane Axmed oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir, galabta ayuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen Balcad.

Abshir Gaarane ayaa galabta inta uusan geeriyoon bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo “Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.”

 

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shilkaas, wiilkaan waxaa adduunka ku dulmiyey rajiimkii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee Muqdisho.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya “Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

 

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

 

Sida ay Caasiamda Online u sheegeen dhalinyaradii ka badbaaday shilkaas Abshir Gaarane waxaa isbitaal ku yaalla Muqdisho la keenay isagoo dhaawac ah oo caadi u hadlaya.

 

Ugu dambeyntii Naqaska ayaa ku dhegay sidaas ayuuna ku geeriyooday, Abshir wuxuu mudooyinkii dambe ka howlgelayey mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Abshir Gaarane uu gal ka furtay maxkamadaha dalka, si uu cadaalad ugu raadiyo tacadiyadii awooda dowladda loogu geystay.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA