Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Wasiiradii dhawaan uu magacaabay Ra’isul wasaare Xamse oo xilalka loo dhaariyey.

Axad 14 April , 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Somalia mudane Cali Yuusuf Cali {Xoosh} iyo wasiirka amniga C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa ka mid ah xubnaha la dhaariyey

Waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA