Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga

Isniin, April, 15, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Marion Dacco Coppi.

Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Taliyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu dalka cusub yahay.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Taliyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Taliyaaniga ku boggaadiyay kaalinta weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA