Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamado ku wajahan furimaha dagaalka iyo Madaxwayne xasan sheikh oo si adag ula dardaarmay.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saldhigyadaas ay ka amba-baxayaan cutubyo ciidan ah oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo kooxda AS.

Xasan Sheekh ayaa ciidamada uga warbixiyey filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin AS oo u hamuum qaba in laga dulqaado kooxda.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gacan lagu ciribtirayo kooxda AS, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan kooxda.

Madaxweynaha ayaa qiray in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ay soo bandhigeen nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA