Isniin 15 April , 2024 {HMC} Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay weerarkii jawaab celinta ahaa ee Iran ku qaaday Israaโiil, halka golaha aysan cambaareyn kana hadlin weerarkii Israaโiil ku qaaday qunsuliyada Iran ay ku lahaayeen Dimishiq Syria.
Wakiilka dowladda Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaan ku tilmaamay golaha in ay yihiin kuwa munaafiqiin labo wajiilayaal ah, waxa uuna xusay in ay ka aamuseen weerarkii qunsuliyada Iran ayna diideen in ay cambaareeyaan.
Waxa uu sheegay wakiilka Ruushka in ay ka codsadeen golaha in weerarkaasi laga hadlo lana cambaareeyo, isagoona tilmaamay in haddii ay dalalka reer Galbeedka qaadi lahaayeen tallaabo, kaddib weerarkii Israaโiil qaaday sida hadda jirta in aysan dhacdeyn.
โ Horey ayaan uga dignay waxa dhacay, waxaan niri golaha ammaanka ha cambaareeyo weerarkii qunsuliyada, waa laga aamusay, waxa hadda dhacaya reer galbeedka haddii ay qaadi lahaayeen sidan way ka duwanaan lahayd xaaladdaโฆWaxa aan maanta ku arkayno Golaha Ammaanka waa munaafaqnimo iyo laba wajiile, waana wax laga xishoodo.โayuu yiri Wakiilka Ruushka u jooga Golaha Ammaanka.
Waddamada reer Galbeedka ayaa inta badan cambaareeya kana hadla weerarada lagu qaado Israaโiil, halka ay ka aamusaan weerarada iyo dhibaatooyinka kale ay geesanayaan ciidamada maamulka Israaโiil.