Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo War Kasoo saaray Xaalada Baladweyne.

Isniin, April, 15, 2024 (HMC) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag uga hadlay falal amaan daro ah oo kusoo badanaayay mudooyinkii dambe gudaha xaafadaha magaalada Baledweyne.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka amni daro ee ka jira gudaha magaalada Baledweyne iney yihiin kuwa lagu sumcad dilayo sharafka ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

“Waan ognahay cida geysata falalka burcadnimo ee lagu dhaco dadka ku nool xaafadaha Baledweyne iney yihiin dad doonaya iney suurad xumeyaan sharafka iyo halgankii lagu bartay ciidanka geesiyaasha ah, maka yeeli doono iney magacas meel uga dhacaan, waxaana cadeynaya in Macawisley aysan aheyn kuwa wax dhaca, Gacan bir ah ayaan ku qabananeyna kuwa doonaya iney sumcad dilaan magaca ciidanka Macawiisleeyda” ayuu yiri gudoomiye Muuse Salaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in ciidanka difaaca deegaanka ay wali ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, islamarkaana wali ay ku howlan yihiin la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka difaaca deegaanka aniga idinla hadla ayaa ka mid ah oo qeyb ka ahaa aas aaskooda, waxa dadka ku dhibaya Baledweyne iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah waa kuwa aan dagaalamin oo iska dhex abaabulay magaloyinka, si ay u suurad xumeyeena magaca ciidanka Macawiisleeyda, waxaan leyahay kuwa ku howlan magac dilka ka waan tooba arintaasi waan idin ognahe” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye.

Hadaalkaan kasoo yeeray guddoomiye Muuse Salaad ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe xaafadaha Baledweyne ay kusoo kordhayeen kooxo hubeysan oo dilal dhac u geysanaayay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baledweyne.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA