Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hoggaamiyaasha waddamada G7 oo war kasoo saaray weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Hoggaamiyaasha waddamada ku bahoobay ururka G7 oo wadahadal xasaasi ah yeeshay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii habeen hore ciidamada ilaalada kacaanka Jamhuuriyadda Iran ku qaaday Israa’iil.

Bayaan ay soo saareen hoggaamiyaasha waddamada G7 ayey ku caddeeyeen in ay garab taagan yihiin ayna taageerayaan Israa’iil, waxa ayna Iran ku cambaareeyeen weerarka aargoosiga ah ay ku qaaday Israa’iil.

Hoggaamiyaasha G7 ayaa sheegay in weerarka dowladda Iran ku qaaday Israa’iil ay kordhineyso xasillooni darrada Bariga Dhaxe, waxa ayna ku baaqeen in laga fogaadaan in uu qarxo colaad aan la xakameyn karin.

” Iran ficilkeeda, waxa ay sii kordhisay xasilooni darada gobolka, waxayna halis ugu jirtaa in ay kiciso xiisad goboleed oo aan la xakamayn karin. Tani waa in laga fogaadaa,” aya alagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka G7.

Maamulka Israa’iil ayaa dhankooda laga cabsi qabaa in ay qaadaan weeraro aargudasho ah, taa oo haddii ay dhacdo laga cabsi qabo in xaalada Bariga Dhaxe , gaar ahaan colaada Iran iyo Israa’iil u dhaxeysa faraha kasii baxdo.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA