Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho oo xariir ah.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dowladda Iran ayaa xalay weerar xooggan oo aargudasho ah ku qaaday Israa’iil, kaddib weerarkii milatariga Israa’iil ka fuliyeen Qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq, weerarkaasi oo lagu dilay saraakiil sar sare oo ilaalada Kacaanka katirsan.

Wasiiradda Israa’iil u qaabilsan dagaalka oo kulan saacado badan yeeshay ayaa la sheegay in ay go’aamiyeen in ay qaadaan weerar xooggan oo aargudasho ah, kaa ay ku qaadayaan dalka Iran iyo dalalka kale ee laga taageero.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa baahisay in golaha wasiirrada dagaalka ee Israa’iil ay isku raaceen in la qaado weerarro jawaab ah oo ka dhan ah Iran, kaa oo looga jawaab celinayo weerarkii xalay lagu qaaday Israa’iil.

Sida ay qortay Reuters waxaa jira kala qaybsanaan la xiriirta waqtiga weerarka la qaadayo iyo baaxadda u yeelanayo, waxaana adag in la helo xogaha ugu dambeeya ee ku aadan xilliga Israa’iil qorsheysay in ay qaado weerar aargudasho.

Xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil ayaa laga cabsi qabaa in meel xun gaaro iskuna badalo dagaal toos ah, waxaana jira walaac xooggan oo laga qabo xiisadan kasoo cusboonaatay Bariga Dhaxe.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA