Monday, April 29, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo lacag balaayiin dollar ah ku caawinayo Israa’iil kadib weerarkii Iran.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa olole xooggan ugu jira sidii Aqalka Congress-ka u meel-marin lahaayeen deeq lacageed oo balaayiin dollar gaareysa oo Mareykanka ku caawinayo Israa’iil.

Biden ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Congress-ka in ay meel mariyaan sharciga qarashka gar gaar ee gaareysa $14bn ee Israa’iil la siinayo, kaddib weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

Lacagtan Mareykanka ugu deeqayo Israa’iil ayaa lagu doonayaa in lagu hormariyo nidaamka difaaca ee Israa’iil, waxaana la tuhmayaa in Israa’iil weerarka ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Syria in ujeedku ahaa sidii lacagtan u heli laheyd marka Iran weerarkaasi ka jawaabto.

Afhayeenka Aqalka Jamhuuriga Mike Johnson oo la hadlay Madaxweyne Biden ayaa u sheegay Fox News in xisbigiisu uu fahamsan yahay “baahida loo qabo in la garab istaago Israa’iil” iyo inuu isku dayi doono inuu horumariyo xirmada kharashka usbuucan.

Maamulka Biden wuxuu ku cadaadinayey Aqalka ay maamusho Jamhuuriga inuu meel mariyo $ 95bn ee xirmada kharashka amniga qaranka Mareykanka, lacagtan oo loogu tala galay in lagu taageero Israel, Ukraine iyo Taiwan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA