Tuesday, April 30, 2024
spot_imgspot_img

Muxuu ka bilowday dagaalka magaalada Baraawe yuuse udhaxeeya dagaalka?

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laba maalin kahor ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo u dhex maray ciidamo ka tirsan millitariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa ka billowday qaad la sheegay “in qayb kamida ciidamada ay dheceen halka kuwa kalana ay ka fal celiyeen”, taas oo keentay in ilaa gudaha magaalada la isla galo, sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Xaafadaha magaalada ayaa si weyn looga maqlayay hubka ay ciidamadu isku adeegsanayeen iyadoo ay jiraan dad shacab ah oo wax ku noqday.

Qaadka la sheegay in ay dhaceen mid kamida labada garab ee ciidamada ee uu dagaalku dhex maray ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa lahaa ganacsato Soomaaliyeed oo uu usoo degay.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Baraawe. Ismaaciil Cabdullahai Jaadane, oo ku sugan magaalada yaa sheegay in xaalku haatan degan yahay.

“Magaalada Baraawe waxaa ka dhacday shaqaaqo, hase yeeshee hadda waa ay xasilloontahay, waxaa jiray ciidamo ku dhaqaaqay fal burcadnimo iyagiina hadda waala xiray,” ayuu yiri.

“Waxa ay isku dayeen in ay dhac u geystaan qaad uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed, waxaa ku baxay ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta oo wada shaqeynaya, haddana waa lasoo qabtay raggii falka ku kacay oo wey xiranyihiin,” ayuu yiri Gudoomiye Ismaaciil Jaadane.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan jirin isku dhac kala qabiyay ciidamada millitariga ah iyo kuwa Daraawiishta, hase yeeshee ciidamada ka tirsan daraawiishta ee falkan ku kacay awgeed ay si guud uga wada hortageen qaybaha kale ee ciidamada millitariga iyo daraawiishtaba.

Guddoomiyuhu waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan dad shacab ah iyo ciidamada labada dhinacba oo wax ku noqday isku dhaca, balse uusan xaqiijin karin tiradu inta ay la egtahay.

Baraawe ayey dhowr mar horay uga soo dheceen iska hor imaadyo hubaysan oo ciidamada dhexmaray. Mar walaba ayaa waxaa kala duwanaa waxa salka u ahaa gacan qaadka.

“Waa run in ay Baraawe badanaa ka dhacaan shaqaaqooyin laakiin muhiimaddu waa kahor tagga – waa guul in aan xallinay waliba xilli hore,” ayuu raaciyay hadalkiisa Ismaaciil.

Dagaal degmada ka dhacay bartamihii bishii June ee sanadkii tagay – 2023-kii, oo dhex-maray ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta ayaa ahaa mid khasaare sababay oo maalmo socday.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada daraawiishta dawlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Inta aan ka warhayno, ilaa dhawr iyo toban ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa jirtay hadal heyn iyo xiisad u dhaxaysa ciidamadaan.

Hadaba Maxay yihiin ciidmadaan isku haya Baraawe?

Ciidmada milatariga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baraawe ayaa ah kuwii kala wareegay AS magaalada Baraawe sanadkii 2014 kii, tan iyo xilligaas waxay ku sugnaayeen magaalada, iyagoo amniga guud gacanta ku hayay. Waxay hoostagaan qaybta lixdanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.

Ciidamada daraawiishta ee Koonfur-Galbeed, ayaa ah kuwa billowgii qayb kamid ah lagu aasaasay gudaha magaalada, balse markii dabme ayay ballaarteen oo ciidamo xoojiya looga keenay magalaada Baydhabo.

Ku dhawaad horin ciidamadaas ah ayaa waxaa magaalada keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddex duulimaad ayay ku yimaadaan ciidamadaas gudaha baraawe sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay ku tageen Baraawe, dhawr unug oo ciidamo ah oo la socday wafdiga ayaa magaalada la gaaray iyagoo aan dib loo soo celin.

Baraawe waxay leedahay mamamul dagmo oo ka kooban gudoomiye, ku-xigeen iyo gole deegaan. Balse waxaa ku sugan magaalada oo inta badan maamulkeeda gacan wayn ku leh ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidamada daraawiishta ee ka Koonfur Galbeed oo labada u muuqda in ay ku loollamayaan gacan ku heynta degmada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29-04-2024}

Isniin 29, April 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo Khudbad Xasaasi ah ka jeediyay Shirka Africa iyo Bangiga Auunka

isniin-29-April-2024 {HMC} Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka jeediyay Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay...

WARARKA