Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

RW ku-xigeenka oo xilalka u kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil {Fartaag} iyo ku-simihii Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali {Xagaa}.

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda amnigu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas awgeedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh, isaga oo intaas ku daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan argagixisada.

Mudane Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hey’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga Qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Agaasimaha Hey’adda NISA, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA